l
abada xisbi mucaarad ee Ucid Iyo Waddani ayaa si wada jir ah u
shaaciyay in ay qaadaceen gabi ahaanba diinwaangalinta mdaniga ah ee ay
xukuumaddu hirgalinteeda ku hawlantahay .
Masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka u hadlay oo kala ahaa Gudoomiye Ku
Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Gudoomiye Ku
Xigeenka Xisbiga Ucid Mudane Cali Guray ayaa maanta si wada jir ah shir
jara’id ugu qabtay xarunat xisbiga waddani ee Magaalada Hargaysa .
Waxaana ugu horeen halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad
Ee Xisbiga Ucid Cali Guray waxaanu cod dheer ku sheegay in ay qaadaceen
diinwaangalinta madaniga ah isagoo ku tilmaamay diinwaangalinta mid
xaaraan ah oo ay dawladdu lacag ku cunayso waa sida uu hadalka u dhigeee
.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga
Waddani Mudane Axmed Muumin Seed waxaanu sheegay in ay qaadaceen
doorashooyinkaa isagoo sabab uga dhigay in diinwaangalintan lagu dabrayo
qabsoomidda doorashooyinka sannadda 2015 waxaa kale oo Gudoomiye Seed
hoosta ka xariiqay in haddi aanay doorashooyinku dhicin sanadda 2015-ka
in caalamku caawinayo sanadda 2016-ka doorashooyinka ka dhacaya Somalia .
Waxaa kale oo uu sheegay Mr Seed in xukuumaddu baal martay heshiiski
ay wada galeen axsaabta .komishanka doorashooyinka iyo deeq bixiyaashu
sidaasna ay ku qaadaceen diinwaangalinta madaniga ah labada xisbi
mucaarad .
Talaabadan ay si wada jirka ah ay ugu dhaqaaqeen labada xisbi
mucaarad ayaa abuuraysaa mar kale khilaaf siyaasiyaa oo la xidhiidha
hirgalinta diinwaangalinta madaniga ah iyadoo is maandhaafki xukuumadda
iyo xisbiyadu mucaaradkuna uu cirka isku shareerayo lagana dhur sugayo
halka ay xaaladuhu ay isugu biyo shubtaaan maadama labada dhinac iyo ee
xukuumadda iyo xisbiyadu aad ugu kala fog yihiin sida loo sameeyo
diinwagalinta madaniga iyo ta codbixiyayaasha .
Thursday, September 11, 2014
Wednesday, September 10, 2014
somaliland win: cali mahamed warancade
Tuesday, September 9, 2014
ceerigaabo information
ceerigaabo information
Xarunta Magaala madaxda gobolka sanaag ceerigaabo, oo laaasaasay
muddo hada qarni laga joogo. Iyada oo lagu taariikheeyey markii
udubka loo taagay xiliyadii uu dagaalkii ingiriiska iyo Seyid Maxamed
C/dulle Xasan, taariikhdaa oo ku beegnayd 1900. Taas oo ahayd markii
daraawiishtu saldhigyada ka dhigatay aagaas, ahaydna markii ugu
horaysay ee ingriisku Africa kula dagaalamo diyaarado, iyada oo isla
markaasna diyaaradii lagaga soo riday meel 30km koonfurgalbeed
kaga toosan magaalada ceerigaabo mudadaas oo 21sano ka soo waadey
oo ahayd 1921.
Ka hor intii aan aasaaska loo dhigin magaala madaxda Ceergaabo
waxaa bender u ahayd magaalo xeebeedyada, Maydh iyo xiis, gaar
ahaan magaalada Maydh oo ahayd meelihii ay ka soo farcantahay
ilbaxnimada iyo dadyawga manta ku dhaqan geeska Africa, ahaydna
meelihii ay ka yimaadeen ajdaadda ama awoowayaasha dadka
degaanadaas ku dhaqan, magaalooyinkaas oo layidhaahdo waxay jireen
qarniyo fara badan.
Hadaba gobolka Sanaag oo ah mid ku caan ah taariikho wax ku ool ah,
raadad badana ay kaga tageen dadkii hore, haday dhismayaal tahay,
sida magaalooyin iska dhan oo duugmay taariikhihii hore, sida
magaalada Maduuna, iyo magaalooyin kale badan aadna arkaysid
raadadka ay dadkaasi kaga tageen, waxaa iyana ka mid ah
(Geelweyte) oo ku taalla xeebta u dhexaysa Maydh iyo Laasqoray,
iyada oo la yidhaahdo Geelweyte wuxuu ahaa boqor ka talinaayey
casriyadaa la soo dhaafay, ayna magaalada hadda loo yaqaan
geelweyta u ahayd xarun iyada oo raadad la yaab lehi ay ka
muuqdaan, sida god aad u weyn oo guryo gudihiisu yihiin dhul aad
ceelal moodo, oo buur aad dhakadeed in diriil lagu dalooliyey
moodaysid aad ku arkaysid, iyo waxyaabo qaraa’ib ah sida xayawaano
Masas aan dhulka kale lagu arag,
Taariikhihii dadkii danbe kaga tageen waxaa ka mid ah: raadadkii uu
seyid Maxed kaga tegey, sida qalcadihiisii uu dhufeysyada ka dhigan
jirey, iyada oo ay ku yaab gelinayso, dadka dhisay dhismayaashaa.
Aadna odhanaysid waar ma reercaadkii la sheegay baa seyidku watey,
waayo dhagxaanta keliya baa 1ton ku dhodhoweyd.
Hadabba hadaynu dib u milicsano taariikhdii la aassaasay magaalada
Ceerigaabo iyada oo dadka reer Ceergaabo ahaayeen dad had iyo jeer
ilbaxnimadoodu sareysey, ahaana ku degaankoodu u badnaa
magaalada Cadan, ayna Cadani u ahayd bender. ayaa dawladii
ingriisku hindistey in Ceerigaabo in laga dhigo magaalo, taariikhdaas
oo lagu asteeyo markii Darwiish Maxamed C/dule Xasan la eryey, oo
ilaa 1921 laga soo bolaabo dhidibka loo taagey iyada oo ingriisku kala
doortay ilaa sadex meelood,
Iyada oo la doortay meesha hada Ceerigaabo ka dhisan tahay.
Magaca Ceerigaabo wuxuu ka yimi: (Ceeri) oo ah isha ceelka (gaabo)
oo ah tii dhoweyd, aan fogeyn, yacni gaabnayd, ama ishii gaabnayd,
ishii dhoweyd. Kelmeda ceeri wuxuu yidhi ninkii geela u heesayey
( sow codkaygii * ceerida ishiyo * ceelka kama garan)
Taas hadaan ku dhaafno magaca iyo taariikh-bilawgii magaalada
hanada waxaa ku soo khatimi doonaa, muuqaalo sawir oo muujinaya
carshaantii ugu horaysey ee magaaladu ka bilaabantay cariishkii ugu
horeeyey inkasta oo hada daar dhowaan loo rogey, iyo daartii ugu
horaysey ee daar-ahaan loo dhisay,
Hadaba cariishkii ugu horeeyey oo uu lahaa nin la odhan jiray: Cali
Aamus, oo ka mid ahaa madax dhaqameedyadii degaankaas, ayaa ka
taagey cariishkii ugu horeeyey,
Kaas oo aad sawirkiisa iyada oo daar loo bedeley aad arki doontid,
daartii ugu horaysey marka carshaanta laga yimaaddo waxaa lahaa
ninkii seyidka wastaadkiisa ahaa inan uu dhalay, oo la odhan jiray
Ibraahim Dhalamudhe, waa ninkii ku balweyn jirey markuu Seyid ka u
dhisayo daaraha Qalcadaha ahaa, ( Dhagaxa malxafsani madhfaca ma
ceshee * maandhow midka buuran ii keeney) iyadana waxa ku
arkaysaa sawirsada la socda qoraalka, iyada oo marxaladahaas oo
martay ayaa waxa lays weydiiyaa magaalada ceerigaabo ma haday
ilbaxnimadeedu horayssaa mise markii hore?
1950kii waxaa asbuucii kasta, laba jeer iman jirtey magaalada
ceerigaabo diyaarad cadan laga lahaa, waxay keeni jirtey alaanta
bagaashka ah, iyo dharka, iyo dadka baasanjarka ah, waxay qaadi
jirtey fooxa maydiga iyo hilib, hilibkaas lagu cuni jiray magaalada
Cadan. Waxaa joogey baabuur taxi- ah oo Folge-yaal la odhan jiray,
saacad allaale saacadii aad safar doonto Taxi-gaas baad qabsanaysaa,
ama afar qof baad isku eeganaysa, Maqaaxida caanka ku ah
magaalada Ceergaabo ee shaaha aadka looga cabbo, waa maqaaxida
Qarni, waxay magaca ku qaadatay jaraa’id Masar ka soo bixi jirey oo
xornimada ka hadli jiray, ayay diyaaradu keeni jirtay oo laguna iibin
jiray.
Hadaba maanta oo la yidhaahdo dadku maanta ayuu ilbaxsan yahay,
miyaa la horu maray, mise dib baa loo dhacay?? Su,aashaa
dadweynahaan u daayey.
Hada waxaa ku soo kordhay magaalada dabaqyo dhaadheer, iyo guryo
fillooyin ah,
Maxaase nasiib-darro noqotay dadkeedii baa noqday(isma’ og aqal
kalay aslaysaa ismana oga ) hadalkaa waxaan ugu jeedaa dadkii
gobolka u dhashay gobollo kale oo aan laga oqoon bay dhisayaan, oo
maal gelinayaan kay ku dhasheena way ka haajireen. Oo qaarkood
waaba ka xanaaqayaan, waayo ka wax u bartaa wuu ka tagaa! Uu ma
Jahliguu ugu tegayaa! Kan dhaqaale helaa wuu ka tagaa! Oo ma
saboolnimuu uga tegayaa haduu hantidii kala dtago! Kii madax noqdaa
dib uma soo eego waana tuu madaxnimada ku gaadhey, la,aantiina ma
heleen.
Tacliintu ma habaysna, caadimaadka waad ogtihiin, adeegga bulshada
ma jiro sida biyaha, wadooyinka, dekedaha, waxaan ku soo geba
gebaynayaa, gobolka hadaan dhalintiisu u tashan, cid kale u
talinmayso, waayeelkii waxaad mooddaa inay manta jaamacadda
qabyaaladda ay maclimiin ka yihiin, oo ay saaccaddiiba boqolaal
dhalinyaro ahi ka soo qalin jebinayso, ee dhalineey ma tashanaa?? Waa
intii xil dhibo
Waxaan ku soo gunaanadayaa, qiso dhacday waagii ay Soomalidu geela
kala dhici jirtay ayaa geel la dhacay nin ergo kaxaystay, isaga oo
qoladii geela ka dhacday geelii ka raacdaynaya, ninkii ergadii wuxuu
la maqnaa 11bilood bil kasta nin buu soo dirayey, markii uu ergadii ka
soo quustay buu galabtii danbe soo noqday, wuxuu la kulmay nin ay
deris ahaan jireen, wuxuu ku yidhi: waar reerkii caynkaas ahaa ka
waran, ninkiibaa ugu jawaabey: waar ma Xuseen Isxaaq ninkii lagu
sheegayaad tahay, adeer maxaad iga weydiinaysaa reerkaa sawdigii
tuuray, reerkaagii waa ba’ay oo balanbalay, ee iga tag ha I weydiine,
Xuseen wuxuu ugu jawaabey( Allah doqoni maxay hawl yari qabtaa)
Markaa waxaan leeyahay ha noqonina dhalinta reer Sanaagey mid
dantiisa uu ergayada oo danta caamka ah tuura sida odaygaa yar ee
adhigiisa yar uun u qaatay, in masuuliyadi ka saran tahay ee xil ha
idin dhibo, hana noqonina kuwaa hawl yarida qaba, danta caamka
ahna marka laga waramo la yaaba, oo danseegnimo u arka
Subscribe to:
Posts (Atom)