Thursday, September 11, 2014

mucaaridka oo qadacay

l
abada xisbi mucaarad ee Ucid Iyo Waddani ayaa si wada jir ah u shaaciyay in ay qaadaceen gabi ahaanba diinwaangalinta mdaniga ah ee ay xukuumaddu hirgalinteeda ku hawlantahay .
Masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka u hadlay oo kala ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Mudane Cali Guray ayaa maanta si wada jir ah shir jara’id ugu qabtay xarunat xisbiga waddani ee Magaalada Hargaysa .
Waxaana ugu horeen halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Cali Guray waxaanu cod dheer ku sheegay in ay qaadaceen diinwaangalinta madaniga ah isagoo ku tilmaamay diinwaangalinta mid xaaraan ah oo ay dawladdu lacag ku cunayso waa sida uu hadalka u dhigeee .
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed waxaanu sheegay in ay qaadaceen doorashooyinkaa isagoo sabab uga dhigay in diinwaangalintan lagu dabrayo qabsoomidda doorashooyinka sannadda 2015 waxaa kale oo Gudoomiye Seed hoosta ka xariiqay in haddi aanay doorashooyinku dhicin sanadda 2015-ka in caalamku caawinayo sanadda 2016-ka doorashooyinka ka dhacaya Somalia .
Waxaa kale oo uu sheegay Mr Seed in xukuumaddu baal martay heshiiski ay wada galeen axsaabta .komishanka doorashooyinka iyo deeq bixiyaashu sidaasna ay ku qaadaceen diinwaangalinta madaniga ah labada xisbi mucaarad .

Talaabadan ay si wada jirka ah ay ugu dhaqaaqeen labada xisbi mucaarad ayaa abuuraysaa mar kale khilaaf siyaasiyaa oo la xidhiidha hirgalinta diinwaangalinta madaniga ah iyadoo is maandhaafki xukuumadda iyo xisbiyadu mucaaradkuna uu cirka isku shareerayo lagana dhur sugayo halka ay xaaladuhu ay isugu biyo shubtaaan maadama labada dhinac iyo ee xukuumadda iyo xisbiyadu aad ugu kala fog yihiin sida loo sameeyo diinwagalinta madaniga iyo ta codbixiyayaasha .

No comments:

Post a Comment